Baadiragii Oslo: 10.000 ayaa lagu xukumay, balse 313.000 ayaa loo uruuriyay.

0
132

Maxkamada Oslo ayaa baadirigii hore ee kaniisada Oslo ku xukuntay 10.000 oo ganaax ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu shaqaaleysiiyay haweenay aan Norway sharci ku heysan.

Baadarigan oo lagu magacaabo Gunnar Stålsett ayaa shaqo siiyay haweenay u dhalatay dalka Ereteriya, taas oo gurigiisa ka shaqeyneysay mudo 15 sano ah. Haweeneydan oo lagu magacaabo Lula Tekle ayaa horey diidmo uga heshay codsiga magangalyada, balse dowlada Norway ayaa ku guuleysan weyday inay dalkeedii dib ugu celiso.

Baadiragan ayaa lagu eedeeyay inuu jabiyay xeerka soo galootiga Norway oo dhigaya in qofka shaqo bixiyaha ah uu shaqaaleysiin karo oo kali ah qofkii Norway sharci dal kujoog ama shaqo ku heysta. Waxeyna maxkamadu ku xukuntay 10.000 oo ganaax ah, isaga oo ka badbaaday ciqaab xabsiyeed.

313.000 ayaa loo soo uruuriyay:

Dadweynaha Norway oo ka fal celiyay xukunka ganaaxa ah ee lagu xukumay baadiragan caanka ka ah Norway, waxeyna bilaabeen inay dhaqaale usoo uruuriyaan si looga bixiyo lacagta ganaaxa ah ee makxamadu ay ku xukuntay. waxaana loo soo uruuriyay ilaa hada lacag gaareyso 313.000 oo kr.

Baadiragan ayaa dhankiisa sheegay inuu lacagta ganaaxa isagu iska bixin doono, balse lacagta loo soo uruuriyay oo ugu deeqi doono qoxootiga ku tabaaleysan Malta iyo Talyaaniga.

Xigasho/kilde_: Innsamlingsaksjonen til å betale Gunnar Stålsetts bot har rundet 313.000 kroner. Boten er på 10.000 kroner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments