Abid Raja: Hala soo qaado dhamaan hooyooyinka iyo Caruura Siiriya ku sugan.

0
123
Foto: TV2/S.D

Abid Raja oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Norway, kana tirsan xisbiga Venstre ayaa codsaday in xeryaha qoxootiga dalka Siiriya laga soo qaado hooyooyinka heysta dhalashada dalkan Norway ee horey uga tirsanaa ururka Daacish iyo caruurta ay dhaleen ee halkaas ku tabaaleysan.

Hadalka Raja ayaa kusoo aaday maalin kadib markii dowlada Norway sheegtay inay xero qoxooti oo kutaal Dalka Siiriya ay kasoo qaadi doonto hooyo Norwiiji ah iyo ilmo ay dhashay oo xanuunsan. Halkan kasii akhri.

Abid Raja ayaa codsaday in sharciga loo sinaado, hadii hooyadan lasoo qaadeyna, lasoo qaado hooyooyinka kale ee ku sugan xaalada ay iyadu ku sugantahay, kuna dhibaateysan xeryaha qoxootiga dalka Siiriya. Isaga oo raaciyay in fikirkaas uusan aheyn kiisa gaarka ah, balse kan xisbiga uu katirsanyahay ee Frp.

Raja oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistan ayaa sii raaciyay in xubnaha baarlamaanku iyo dowladu ay xusuusnaadaan in cida caawinta u baahan ay yihiin caruurtan heysta dhalashada Norway. Sharci ahaana ay dowlada Norway waajib ku tahay in caruurtaas la caawiyo, maadaama ay heystaan dhalashada Norway. Wuxuuna sheegay in lakala saaro aragtida siyaasadeed ee xisbiyada iyo wixii sax ah qaanuun ahaan.

Xisbiga uu Raja katirsanyahay ee Venstre iyo xisbiga kale ee Krf ayaa aad usoo dhaweeyay go´aan dowlada ee kiiska gabadha lasoo qaaday, halka xisbiga Frp ee xukuumada kala tirsan labadan xisbi uu aad uga soo horjeestay. Uuna ku hanjabaday inay xukuumada isaga bixi doonaan.

Xigasho/kilde: Venstres Raja åpner for å hente alle IS-mødre til Norge

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments