881 qof oo sanadkii hore lagu eedeeyay inay NAV ka khiyaameen 139 milyan.

0
198

881 qof ayaa sanadkii tagay ee 2019 lagu eedeeyay inay hey´adda NAV ka khiyaameen lacag dhan 139 milyan kr. Shan qof oo kamid ah dadkaas ayaa ah dad lagu eedeeyay danbi aysan galin, kana mid ahaa dadkii ay taabatay fadeexadi hey´adda NAV.

751 qof oo kamid ah 881 qof ee eedeysanayaasha ah ayaa lagu eedeeyay in yaga oo shaqeynayo, ay NAV ka qaadan jireen lacago taageero dhaqaale ah, ama aysan NAV kusoo wargalin dakhli kasoo gala shaqooyinka ay qabtaan.

27 qof oo kamid ah dadka eedeysan ayaa ku eedeysan inay NAV ka khiyaameen lacag ka badan 500.000 qof. Balse isku cel-celis dadka badan ayaa ku eedeysan inay khiyaano ahaan ku heleen lacag dhan 159.000 kr.

Tirada dadka sanadkii 2019 lagu eedeeyay khiyaanada dhaqaale ee dowlada, ayaa tiro ahaan waxyar ka yar tirada dadkii sanadihii 2018 iyo 2017 lagu eedeeyay khiyaanada dhaqaale.

Xigasho/kilde: 881 anmeldt for trygdesvindel i 2019

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments