19-kii Gobol ee Norway oo 11 la isugu geeyay.

0
147

Baarlamaanka Norway ayaa sanadkii 2017 dhaqan-galiyay in la mideeyo qaar kamid ah gobolada Norway oo wixii ka horeeyay sanadkan cusub ahaa 19 gobol. Baarlamaanka ayaa meelmariyay in goboladaas 19-ka ah la isugu geeyo 11 gobol, si loo yareeyo qarashka ku baxa maamul daadejinta iyo fulinta siyaasada dowlada ee gobolada iyo degmooyinka.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1.1.2020, waxaa ugu danbeyn si rasmi ah u dhaqangaliyay xeerkii uu baarlamaanka meelmariyay 3 sano kahor. Waxaana gobolada 11-ka ee Norway ay ka koobnaan doonaan sidan soo socoto:

  • Viken (Sadex gobol oo mideeyay: Østfold, Akershus og Buskerud)
  • Innlandet (Laba gobol oo la mideeyay: Hedmark og Oppland)
  • Vestfold og Telemark (Labo gobol oo la mideeyay: Vestfold og Telemark)
  • Agder (Labadii Agder oo hal laga dhigay: Aust-Agder og Vest-Agder)
  • Vestland (Laba gobol oo la mideeyay: Hordaland og Sogn og Fjordane)
  • Trøndelag (Labadii Trøndelag oo hal gobol la isugu geeyay: Nord-Trøndelag og Sør-Trøndelag )
  • Troms og Finnmark (Troms og Finnmark)
  • Rogaland-Halkiisii gobol ayuu sii ahaan doonaan.
  • Møre og Romsdal: Halkiisii gobol ayuu sii ahaan doonaa.
  • Nordland-Halkiisii gobol ayuu sii ahaan doonaa.
  • Oslo– Halkiisii gobol ayuu sii ahaan doonaa.

Mideynta gobolada ka sokow waxaa jiro degmooyin 119 degmo gaaraya oo lala mideeyay degmooyin cusub. Waa muhiin in qofku uu la socdo degmada uu ka tirsanyahay maamul deegaan ahaan.

Halkan kasii akhri liiska iyo magacyada degmooyinka la mideeyay iyo magacyadooda cusub.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments