Trump: Hala iisoo hormariyo dacwada xil ka xayuubinta.

0
203

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dalbaday in si deg deg ah aqalka sare ee Senate-ka looga billaabo dacwadda la xiriirta go’aankii ay xilka uga xayuubiyeen Aqalka Wakiillada ee Congress-ka.

Laakiin waxaa hadda taagan ismari-waa ku aaddan xilliga la billaabayo kiiskaas, kaasoo u dhaxeeya siyaasiyiinta labada xisbi ee Dimuqraaddiga iyo Jamhuuriga.

Maalintii Arbacada, Aqalka Wakiillada ayaa xilka ka xayuubiyay Mr Trump, waxayna kusoo oogeen dacwado salka ku haya inuu ku xadgudbay awoodda iyo inuu sharciga ka tallaabsaday, uuna ka horyimid Golaha Wakiillada.

Laakiin Dimuqraaddiyiintu waxay waxay diideen inay sii wadaan howsha, iyagoo ku doodaya in Jamhuuriga, oo Senate-ka aqlabiyad ku leh ay diideen markhaatiyaasha islamarkaana aysan sameyn doonin dacwad caddaalad ah.

Tirada xildhibaannada Aqalka Senate-ka ayaa ka dhigan in Mr Trump sida ay u badan tahay hubo in dacwaddiisa la iska laali doono.

Howsha la xiriirta mooshinka xil ka qaadista Trump ayaa noqotay mid si weyn xasaasi u ah oo ay gabi ahaanba ku kala qeybsameen xisbiyada.

Labad nooc ee dacwadaha Arbacadii lagu soo oogay Trump ayaa daba socday eedeymo madaxweynaha loogu jeediyay inii dowladda Ukraine ku cadaadinayay inay baaritaan musuqmaasuq la xiriira ku sameyso siyaasiga xisbiga Dimuqraaddiga ee ay sida weyn u loollamaan Trump ee lagu magacaabo Joe Biden iyo wiilkiisa Hunter.

Waxaa kale oo Mr Trump lagu heystaa inuu markaas ka dib ku gacan seyray wadashaqeynta la xiriirta baaritaankii ay arrintaas ku sameynayeen xildhibaannada Congress-ka.

Xigasho/kild: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments