Taageero dhaqaale uruurin ah oo internetka looga wado hooyo soomaali ah.

0
111
Yaasmiin Kristensen iyo ninkeeda Rolf Erik Kristensen

Yaasmiin Kristensen oo ah hooyada afar caruur ah ayaa dhawaan maxkamada sare ee Norway ay ka xukuntay kiis ka dhaxeeyay iyada iyo hey´addaha qoxootiga Norway.

Yaasmiin ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka been-sheegtay dalka ay dhalasho ahaan kasoo jeedo xiligii ay magangalyada Norway ka codsaneysay. Iyada oo sheegatay inay Soomaaliya kasoo jeedo. Balse waxaa markii danbe soo baxday inay kasoo jeedo dalka Jabuuti ee Soomaaliya dariska la ah.

19 sano kadib ayaa hada maxkamada sare ay hey´addaha qoxootiga ku raacday go´aankooda ahaa inay Yaasmiin ka baxdo Norway mudo labo sano ah, kadibna ay dib usoo codsan karto codsi dib u midoobis qoys oo cusub. Halkan kasii akhri.

Yaasmiin ayaa sheegtay inay kiiskeda u gudbin karto maxkamada sare ee xuquuqul insaanka Yurub.

Taageero aad u badan:

Siyaasiyiinta lokalka ah iyo dadka deegaanka lyngdal oo ay Yaasmiin ku nooshahay ayaa taageero xoogan u muujiyay hooyadan soomaalida ah, intii uu socday kiiskeeda oo hada soo jiitamayay ilaa lix sano.

Waxaa xiligan barashada bulshada ka socdo taageero xoogan oo dhaqaale uruurin loogu sameynayo Yaasmiin iyo qoyskeeda, si looga gacan siiyo qarashaadka ku baxaya in kiiskeeda la geeyo maxkamada xuquuqul insaanka yurub. Halkan ka fiiri ololaha taageerada dhaqaale(riix).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments