Solberg oo ka hadashay kiisaskii barnevernka ee Norway looga guuleystay.

0
128

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa shaley labo kiis oo cusub ku xukuntay dowlada Norway, gaar ahaan hey´adda barnevernka. Mid kamid ah kiisaskaa ayaa ahaa mid ka dhaxeeyay hooyo soomaali ah iyo hey´addaas oo mudo dhowr sano ah socday. Halkan kasii akhri.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa shaley shir jaraa´id oo ay qabatay si kooban uga hadashay kiisaska barnevernka ee dowlada Norway looga guuleystay.

Solberg ayaa sheegtay in xukunada iyo go´aamada maxkamada ay muujinayaan in loo baahanyahay kor u qaadista aqoonta dadka ka shaqeeyo barnevernka. Si kor loogu qaado tayada go´aamada ay qaadanayaan dadka ka shaqeeyo hey´adaas, dowladuna ay arintaas waqti badan horey u galisay.

Erna ayaa sheegtay inay muhiim tahay in kor loo qaado tayada aqoonta barnevernka, si ay u qaataan go´aano sharci ahaan waafaqsan xeerarka xuquuqda insaanka.

Reysulwasaaraha Norway ayaa muujisay in shaqada ugu weyn ee barnevernka ay tahay xaqiijinta waxa u fiican ilmaha.

Norway ayaa ilaa hada lagu xukumay sadex kiis ah oo kamid ahaa 35 kiis oo hey´adaas laga geeyay maxkamada xuquuqul insaanka.

Xigasho/kilde: Dommene i Strasbourg mot det norske barnevernet viser at det må jobbes enda mer med kvalitet og kompetanse i barnevernet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments