NRK: Gudiga masjidka Towfiiq wuxuu 3 milyan qaab aan sharci aheyn ugu wareejiyay gudiga waqafka.

0
244
Foto: Faksimile/NRK.no

Tv-ga qaranka Norway ee NRK, ayaa labadii isbuuc ee ugu danbeeyay maqaalo iyo muuqaalo warbixino ah ka diyaarinayay khilaafka masaajidka Tawfiiq oo maamulkiisa ay isku heystaan labo koox oo soomaali ah.

NRK ayaa isbuuc kahor sheegay inay heleen waraaqaha ay dowlada ugu kala direen labada koox ee soomaalida ah ee maamulka masaajidka isku heysto.

Labo gudi oo hal masaajid wada maamula.

Maamulka Masaajidka Towfiiq ayaa ka kooban labo urur oo sida la sheegay kala madax banaan dhaqaale ahaan iyo maamul ahaanba, balse hadana masaajidka howlihiisa ka wada shaqeeyo. Gudiga stiftelsaha(Towfiiq Kulturhus) ama soomaali ahaan loogu yeero gudiga waqafka oo ku qoran milkiyada dhismaha masaajidka. Waxaana xeerka gudigaas oo NRK uu soo daabacay ku qoran, in shaqadiisu ay tahay ilaalinta, dhowrista iyo dayactirka dhismaha masjidka iyo dhismayaasha kale ee howlaha masaajidka lagu qabto.

Gudiga Stiftelsaha ayaa asal ahaan ahaa odoyaashii iyo culimadii loo xilsaaray dhismaha masaajidka, mudo 20-sano ku dhowna howshaas waday. Wuxuuna ka koobanyahay sagaal qof oo ay kujiraan culimo caan kadhex ah bulshada soomaalida.

Dhanka kale waxaa jiro ururka Towfiiq Islamisk Senter oo ah kan caanka ah, dadkuna ay wada yaqaanaan. Hadana ah gudiga maamulkiisa la isku heysto. Waxaana maamulka gudigaas la doortaa labadiisaba sanaba hal mar, laakiin wixii ka danbeeyay Nov 2018, waxey hey´adda Brønnsundregister diiday inay diiwaangaliso gudigii xiligaas la doortay khilaaf soomaalida dhexdeeda ah owgiis. Khilaafkaas oo ugu danbeyn sababay in masaajidka lacagtii taageerada aheyd laga joojiyo.

TIS ayaa ah kan ay ku diiwaangashanyihiin xubnaha masaajidka oo dhan ku dhawaad 8000 oo qof. Waana ururka ay dowladu taageerada dhaqaale siiso, isla markaana ku diiwaangashan urur diimeed ahaanta. Halka gudiga waqafka loola dhaqmo sidii urur caadi ah oo gaar loo leeyahay, aana aheyn urur diimeed lacag dowlada ka heli karo.

3 Milyan ayaa si sharci aan aheyn gudiga waqafka lagu wareejiyay:

NRK oo helay waraaqaha ay isdhaafsadeen gudiyadan soomaalida ah iyo xafiisyada dowlada ayaa shaley soo daabacay warbixin ah in maamulka masaajidka Towfiiq(TIS) uu sanadkii 2016 lacag dhan 3 milyan ku wareejiyay gudiga waqafka (TKS). Taas oo xafiiska gudoomiyaha gobolku uu ka codsaday maamulka masaajidka inay soo gudbiyaan sharaxaad ku saabsan qaabka ay arintaas ku dhacday.

Maadaama ururka TIS ee maamulka masaajidka hayo lacagta lagu siiyo tirada xubnaha ka ah masaajidka, waxaa sharci daro noqon karto, hadii lacagtaas lagu sii wareejiyo gudiga waqafka oo dowlada dhankeeda ka diiwaangashan inuu yahay gudi gaar ah oo aan urur diimeed aheyn. Waxaana laga codsaday inay sharaxaan in arintaas laga talo-galiyay xubnaha masaajidka, iyo inay oo gudbiyaan xisaabaadka lacag is weydaarsiga labada urur ee masaajidka.

Waxaa xusid mudan in lacagta sadexda milyan ah ay qeyb ka aheyd lacag magdhow ah uu masaajidka lagu xukumay, kadib markii looga guuleystay kiis dacwad ah oo masaajidka kala dhaxeeyay dhismo daris la ah masaajidka. Kaas oo dhaawac uu soo gaaray intii lagu gudo jiray dhismaha masaajidka.

NRK ayaa sii raaciyay in sababaha uu xafiiska gudoomiyaha gobolku lacagta ugu joojiyay maamulka masaajidka, ay kamid tahay lacag is weydaarsigaas aan sharciga waafaqsaneyn. Marka lagu sii daro khilaafka soomaalida dhexdeeda ah oo go´aan ka gaarista arintan ciriiri sii galinayo.

Gudiga kumeel gaarka ah ee hada sii hayo maamulka masaajidka ayaa iska fogeeyay eedeynta NRK, waxeyna sheegeen in hab maamulka labada urur iyo wada shaqeyntoodu aysan wax dhibaato ah ka jirin.

Gudiga oo adeegsanayo qareenkooda ayaa sheegay arintaas ay xafiiska gudoomiyaha gobolka horey uga garbaxeen, balse xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo ayaa diiday inuu cadeeyo jiritaanka arintaas.

Dhanka qareenka gudiga masaajidka ayaa sheegay in qaar kamid ah kooxda uu khilaafka kala dhaxeeyo aysanba xubno ka aheyn masaajidka. Iyaga oo calaamad su aal saaray taageerada ay ka heystaan masaajidka.

Baarista NRK iyo kusii jiritaanka warbaahinta ee arintan, ayaa u muuqato inay keeni karto waji kale oo khilaafku uu yeesho. Iyada oo is qab-qabsiga soomaalida dhexdeeda ah uu ka dhalan karo soo bixitaanka arrimo badan oo ay dhici karto in soomaalida dhexdeeda caadi ka yihiin, balse sharci ahaan dhibaato weyn ay ka imaan karto.

Xigasho/kilde: Moske overførte millionbeløp til stiftelse: – Kan bryte med reglene, sier Fylkesmannen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments