fredag, april 19, 2024

Nin danbi lagu xukumay oo loo diiday in loo celiyo dhalashada Norway oo laga qaaday.

Shirkii golaha wasiirada dowlada Norway ay shaley oo jimce ah yeesheen, ayay go´aan uga gaareen cabasho ka timid nin ay horey UDI-du ugala noqotay dhalashada Norway, kadib markii ay amar ka heshay wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka.

Ninkan ayaa xiliga la siiyay dhalashada waxaa ku socday baaritaan la xiriira falal argagaxiso, isaga oo aan codsiga dhalashada ku sheegin inuu galay wax danbi ah ama ay ku socoto wax baaritaan danbi ah.

Kadib markii maxkamad kutaal dalka Talyaaniga ay ninkaas ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah, waxay dowlada Norway ka codsaday in loo so gacan galiyo, si loogu xiro xabsiyada dalka Italy. Balse dowlada Norway ayaa waxaa qabsaday waji gabax, maadaama ninkaas uu heysto dhalashada Norway, aysana sharci aheyn in muwaadin Norwiiji ah loo gacangaliyo dowlad kale.

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka, Jan Torre ayaa qaaday talaabo uu kiiskaas toos uu gacanta ula soo galau. wuxuuna warqad amar ah oo kiiska ninkaas ku saabsan u diray hey´addaha soo galootiga. Wuxuuna ku amray inay qiimeeyaan sababta iyo sida ay ku dhacday inuu ninkaas ku helo dhalashada Norway, isaga ay ku socoto baaritaan danbi argagaxiso.

UDI-da ayaa markii hore ku cabatay inaysan heynin xogta baaritaanka ninkaas, balse markii danbe waxey u dabceen amarkii wasiirka. Iyaga oo ninkaas ka celiyay sharcigii ay siiyeen.

Qareenka ninka ayaa dowlada u diray cabasho ku aadan go´aanka ay UDI-du dib ugu celisay sharcigii dhalashada Norway. Golaha wasiirada ayaa shaley diiday inay aqbalaan cabashada ninkaas.

Xigasho/kilde: Terrordømt mann får ikke tilbake statsborgerskapet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x