Maria Cabdi: Hooyadii Barnevernka ka guuleysatay oo dareenkeeda ka hadashay.

0
160
Foto: Privat-Facebook. Sawirka hooyada soomaalida ah ee barnevernka ka guuleysatay.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa shaley dowlada Norway, gaar ahaan heyá dda barnevernka ku xukuntay labo kiis oo kamid ah 35 kiis oo maxkamada xuquuqul insaanka ka yaalay Norway.

Maxkamada ayaa labada kiisba dowlada Norway ku eedeysay inay jabisay xeerka xuquuqul insaanka Yurub. Gaar ahaan qodobkiisa 8-aad oo ku saabsan xaq lahaanshaha qofka ee nolol qoys oo u gaar ah. Waxeyna maxkamadu barnevernka Norway ku eedeysay inaysan wado sax ah oo sharciga xuquuqul insaanka waafaqsan u marin kiisaska ay shaley go´aanka maxkamadu ka gaartay.

Hooyo soomaali ah:

Mid kamid ah labada kiis ee dowlada Norway shaley looga guuleystay maxkamada xuquuqul insaanka, ayaa ah kiis u dhaxeeyo hooyo soomaaliyeed iyo hey´adda barnevernka Norway. Halkan kasii akhri.

Mariya Cabdi Ibrahim oo ah hooyada soomaalida ah ee shaley ka guuleysatay barnevernka Norway, ayaa la hadashay warbaahinta, iyada oo cabirtay dareenkeeda ku aadan kiiska waqtiga badan qaatay ee u dhaxeeyay iyada iyo barnevernka.

Maria oo degan degmada Grimstad ee Norway, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay xukunka maxkamada, ay fursadan aheyd tii ugu danbeysay oo ay ku arki laheyd wiilkeeda.

Hooyadan ayaa Norway qoxootinimo kusoo gashay iyada oo 16 sano jirtay, waxeyna wadatay wiilkeeda oo markaas bilo jir ahaa. Markii uu buuxiyay 10 bilood ayaa laga wareejiyay wiilkeeda, iyada oo su´aal ay barnevernku ka keeneen awooda masuuliyada xanaanada waalidnimo ee hooyadan soomaalida oo xiligaas aad u yareyd.

Waxaa cunugeeda la geeyay guri qoys Norwiiji ah oo heysta diinta masiixiyada, kuwaas oo markii danbe si qasab ah loogu sharciyeeyay inay korsadaan. Waxeyna Maria TV2 u sheegtay in wiilkeedu uu sidaas ku waayi lahaa dhaqankiisa iyo luuqadiisa.

Maria ayaa TV2 u sheegtay: Norway waxey xadeysaa caruurta, marka ay dadka ula dhaqmaan, sidii ay aniga iila dhaqmeen oo kale. Aad bey u xanuun badneyd. Waxaan ahaa 16 sano jir markii aan Norway imid, kalina waan ahaa. Waxeyna aheyd in la caawiyo hooyooyinka iyo aabayaasha dhiban, intii ilmahooda laga qaadan lahaa.

TV2 ayaa qoray in wiilka hooyadan soomaalida ah uu hada da´ahaan jiro 10 sano, uuna xiriir adag la sameeyay qoyska korsanayay mudadaas. Aysana hada dalban doonin in dib loogu soo celiyo.

Waxeyna sheegtay inay rajeyneyso in waqti la joogitaan ah oo ku filan ay la hesho wiilkeeda, si ay ula sameyso xiriir hooyinimo, uuna u ilaawin dhaqankiisa iyo luuqadiisa.

Qareenka hooyadan maxkamada ku mataleysay Anna Lutina ayaa go´aanka maxkamada uu guul niyad dhis ah u yahay hooyadan soomaalida ah, iyo hooyooyin badan oo xaqdaro ka tabanaya hey´adda barnevernka.

Hoos kasii akhri warbixinada ay warbaahinta Norway ka qortay kiiska hooyadan soomaalida ah.

Xigasho/kilde: Norge brøt menneskerettighetene da Marias sønn ble tvangsadoptert .

Dagbladet: Vant mot Norge i EMDNå vil hun se sønnen sin

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments