Foto: Skjerdump/NRK

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg ayaa maanta is badal ku sameysay xubnaha golaheeda wasiirada, iyada oo magacowday wasiir cusub, halka mid kalena ay u badashay booska.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Frp, horeyna u ahaan jiray wasiirka shidaalka iyo tamarka, Terje Søviknes hada loo magacaabay wasiirka caafimaadka iyo daryeelka dadka waaweyn. Booskaa waxaa horey u hayay Sylvi Listhaug oo iyadna xil cusub loo dhiibay.

Listhaug oo caan ka ah siyaasada Norway, horeyna u ahaan jirtay wasiirada soo galootiga ayaa loo dhiibay xilka wasiirka cusub ee shidaalka iyo Tamarta. Haweeneydan oo lagu xasuusto hadalo qalafsan iyo sharciyo adag oo ajaaniibta looga soo horjeedo, ayaa su´aal weyn laga keenay inay xilka kasoo bixi karto iyo inkale.

Wasaarada shidaalka ayaa kamid ah kuwo ugu muhiimsan Norway, maadaama sadex meelood meel dakhliga dowlada Norway soo galo ee miisaaniyada lagu dhiso uu kasoo xaroodo shidaalka. Sidoo kale shidaalku wuxuu lafdhabar u yahay dhaqaalaha Norway.

Xigasho/kilde: Sylvi Listhaug blir olje- og energiminister

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of