lørdag, april 20, 2024

Labo nin soomaali ah oo loo xukumay ka qeyb-qaadasho tahriibin daroogo.

Maxkamada darajada labaad ee Borgarting lagsmansrett ayaa labo nin oo soomaali ah ku xukuntay 10 sano iyo 10 bilood oo xabsi ah midkiiba, kadib markii lagu helay danbi ah inay ka qeybqaateen tahriibinta ku dhawaad 10 kiilo oo daroogada Heroin-ka ah.

Maxkamada ayaa go´aankeeda ku sheegtay in labadan nin ee soomaalida ah ay kala wateen labo baabuur, si ay usii hubiyaan inuu jiro baaritaano laga sameynayo xuduudka u dhaxeeyo Norway iyo Sweden. Isla markaana ujeedkooda uu ahaa inay wadada usii hubiyaan baabuur sadexaad oo daroogada lagu waday.

Xukunka maxkamada racfaanka ayaa ka yar kii hore oo ay labadan nin ugu xukuntay maxkamada darajada koowaad. Taas oo labadan nin ku kala xukuntay 11 sano iyo 12 sano.

Wakaalada wararka Norway ee NTB ayaa sheegtay in labadan nin ay kala heystaan dhalashada wadamada Norway iyo Denmark, balse asalkoodu uu soomaali yahay.

Xigasho/kilde: To menn dømt for heroinsmugling over svenskegrensa

.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x