Jawaabta: Ma runbaa in masaajidka Towfiiq si rasmi ah looga gooyay taageeradii dhaqaale ee dowlada?

0
87

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa soomaalida Norway ay hadal heysay arin ku saabsan in gobolka Oslo uu ugu danbeyn si rasmi ah taageeradii dhaqaale uga gooyay masaajidka Towfiiq oo maamulkiisa ay isku heysteen kooxo soomaali ah. Waxaana nala soo weydiiyay su´aalo badan oo arintaas la xiriira.

Wararka arintaas ku saabsan ayaa waxaa qoray qaar kamid ah warbaahinta soomaalida ah ee Dibadda, iyaga oo xiganayo warqad ay qortay haweenay la taliye ka ah xafiiska gobolka Oslo, una dirtay maamulka degmada Oslo, iyada oo ku amreyso maamulka degmada Oslo inaysan lacag siinin labo urur oo midkood uu yahay Towfiiq Islamisk Senter.

Farqiga u dhaxeeyo «Hakin iyo jaris rasmi ah»:

Waxaan la xiriirnay maamulka gobolka Oslo uu noo xaqiijiyay in warqadaas oo lasoo galiyay webka keydka lagu keydiyo warqadaha ay isku diraan xafiisyada dowlada Norway(E-insyn), si qaldan loo fahmay ama loo turjumay.

Waxey noo xaqiijiyeen in maamulka gobolka Oslo ay hakin ku sameeyeen taageeradii dhaqaale oo ay siin jireen urur diimeedka Towfiiq Islamisk Senter. Ayna Towfiiq u direen dhowr qodob oo ay ka codsadeen inay soo kala cadeeyaan, kadib markii ay xafiiska gobolka Oslo soo gaareen dhowr warqadood oo kala duwan oo ka socdo labo guruub oo soomaali ah, kuwaas oo mid kasta gaarkiisa u sheeganayo inuu yahay maamulka la doortay ee Towfiiq.

Waxeyna sidoo kale noo xaqiijiyeen in xafiisku uusan wali gaarin go´aan rasmi ah oo ku saabsan soo sii deynta lacagta taageerada dhaqaale ee masaajidka, ayna u badantahay inay isbuucan gudihiisa ama ugu danbeyn inta aan la gaarin fasaxa dhamaadka sanadka, go´aan ka gaari doonaan kiiska Towfiiq.

Warqada oo aan wax ka weydiinay ayay noo sheegeen in ururada diimihu ay sanadkii labo meelood oo kala duwan ka helaan dhaqaale. Gobolka oo dowlada ka wakiil ah iyo degmada. Waxeyna noo sheegeen in marka la ogolaado taageerada dowlada ee gobolka, ay degmadu ogolaan karto bixinta taageerada dhaqaale.

Kiiska Towfiiq oo markii hore ka dhaxeeyay labo kooxood oo soomaali ah oo isku dar aan ka badneyn 30 qof, ayaa hada noqday mid ay isha ku wada hayaan, lana wada socdaan bulshoweynta soomaalida Norway iyo ururada kale ee diimaha oo wada sugayo go´aanka xafiiska gobolka Oslo.

Sidoo kale saxaafada Norway ayaa aad u xiiseyneyso ogaanshaha go´aanshaha uu gobolka Oslo ka gaaro kiiska masaajidka Towfiiq, maadaama ay jiraan waraaqo tiro badan oo eedeyn musuq-maasuq dhaqaale la xiriira oo ay iska kala direen kooxaha soomaalida ee masaajidka maamulkiisa isku heysta.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments