Hammarfest: 33 caruur soomaali ah ayaan iskuulkoodii dib ugu soo noqon.

0
156

Warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Hammarfest iyo kuwo gobolka Finnmark ayaa maalmihii ugu danbeeyay hadalhayay war kasoo baxay degmakada Hammarfest oo ku saabsan tiro caruur soomaali ah oo sanad dugsiyeedkan aan dib ugu soo noqon iskuulkii ay dhigan jireen.

Degmada ayaa sheegtay inay aad uga wel-wel qabaan meesha ay caruurtaas soomaalida ah ku suganyihiin, iyo ka maqnaanshahooda wabarashada Norway ay dhibaato waxbarasho, luuqadood ama isdhexgal bulsho ay u keeni karto mustaqbalka caruurtaas.

 Bodil Nergård oo katirsan barnevernka deegaanka ayaa sheegay in wax laga wel-welo ay tahay in hal degmo ay ka maqnaadaan 33 qof, isaga oo raaciyay inay arintan la wadaageen gobolka iyo dowladaba.

Xafiiska qoxootiga degmada iyo kan dib dajinta qoxootiga ayaa sheegay inay arintan iska gaashan doonaan, iyaga oo la shaqeyn doono xafiiska barnevernka degmada iyo laamaha kale ee gobolka.

Warbixin ay horey usoo saartay hey´adda FAFO ayaa lagu sheegay in soomaalidu ay yihiin caruurta ugu badan ee dhaqan-celinta loogu celiyo wadamada ay waalidkood kasoo jeedeen asal ahaan.

Xigasho/kilde: Hammerfest kommune frykter barn er blitt sendt til koranskole.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments