Guul: Hooyo soomaali ah oo barnevernka kiis kaga guuleysatay maxkamada xuquuqul insaanka Yurub.

0
188
Maxkamada sare ee xuquuqul insaanka Yurub. Foto: Wikipedia

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa maanta gaartay labo go´aan oo ku saabsan kiisas maxkamada ka yaalay hey´adda barnevernka Norway.

Maxkamada ayaa labada kiisbak ku xukuntay barnevernka Norway, iyada oo ku eedeysay inay jabiyeen xeerka xuquuqda insaanka Yurub, gaar ahaan qodobka 9-aad ee xoriyada diinta, iyo kan 8-aad ee xuquuqda xaq lahaanshaha qofka ee nolol qoys oo gaar ah.

Hooyo soomaali ah oo guuleysatay:

Mid kamid ah labada kiis ee la xukumay ayaa ahaa mid ka dhaxeeyay hooyo soomaali iyo hey´adda barnevernka ee Norway.

Sida uu qoray NRK, hooyadan soomaalida ee maanta ka guuleysatay barnevernka, ayaa Norway qoxootinimo ku timid sanadkii 2010 iyada oo 16-sano jir ah, waxeyna xiligaas wadatay wiil yar oo ay dhashay.

Hey´adda barnevernka ayaa markii hore hooyadan soomaalida ah ee dhalinyarada aheyd xiligaas ka wareejiyay masuuliyada iyo korinta xanaanada wiilkeeda yar, waxaana markii danbe si qasab ah(tvangadopsjon) korintiisa loogu sharciyeeyay qoys masiixi ah.

Hooyadan ayaan dacwad ka gudbisay arintaas, iyada oo sheegtay inay rabto in wiilkeeda lagu koriyo caqiiqada diinta islaamka oo ay iyada heysato, balse heerarka kala duwan ee maxkamadaha Norway ayaa wada diiday dacwada hooyadan soomaalida ah. Taas oo markii danbe keentay in kiiskeedu uu tago maxkamada xuquuqul insaanka Yurub.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa maanta hooyadan soomaalida ah u xukuntay kiiska dacwadeeda, iyada oo dowlada Norway ku eedeysay inay jabisay xeerka xuquuqda insaanka Yurub, gaar ahaan qodobka xuquuqlaha nolol qoys oo gaar ah.

Qareenka hooyadan soomaalida ah ayaa xukunka kadib sheegtay inay marka hore la tashan doonto hooyada, kadibna ay war soo saari doonto.

Kiiska hooyadan soomaalida ah ayaa kamid ah ilaa 35 kiis oo dowlada Norway, gaar ahaan hey´adda barnevernka ka yaalo maxkamada xuquuqda insaanka.

Kiisaska dhiman oo aysan wali dhageysan maxkamada, ayaa waxaa sidoo kale kujiro kiiska hooyo kale oo soomaali ah.

Xigasho/kilde: Norge dømt i to barnevernssaker i Strasboug

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments