Go´aan: Tawfiiq oo qarka u saaran in shan isbuuc kadib gabi ahaanba la tirtiro.

0
145

Sida uu qoray Tv-ga qaranka Norway ee NRK, xafiiska gudoomiyaha gobolka ayaa ka digay inay hadii aan xal laga gaarin, ay tirtiri doonaan urur diimeedka Towfiq Islamisk senter oo ah ururka maamulka masaajidka Towfiiq ee soomaalidu ay leedahay.

In ururka masaajidka maamulka laga tirtiro diiwaanka ururada diimaha, ayaa ka dhigan in ururka masaajidka maamulo uu lumin doono xuquuqda urur diimeednimo, uuna gabi ahaanba waayi doono taageerada dhaqaale ee dowlada iyo gobolka.

Xafiiska gobolka Oslo ayaa arintan ku micneeyay inaysan wali ogeyn maamulka saxda ah ee masaajidka Towfiiq, kaas oo maamulkiisa ay mudo isku heysteen labo koox oo soomaali ah.

Sidoo kale xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo ayaa NRK u xaqiijiyay inuu jiro khilaaf ka taagan ururka waqafka ee ku qoran lahaanshaha dhismaha masjidka. Waxaana gobolku uu NRK xaqiijiyay sax ahaanshaha lacag gaareyso 3 milyan oo ururka masaajidka maamulka uu u gudbiyay ururka waqafka, sifo aan sharciga ururada diimaha waafaqsaneyn.

Gobolka Oslo ayaa soomaalida masaajidka isku heysato siiyay shan isbuuc oo ay xal uga gaaraan khilaafka dhexdooda ah, hadii ay taas dhici weydana ay tirtiri doonaa ururka Towfiiq.

Go´aankaas ayaa ka dhigan in urur diimeed ahaan loo tirtiro doono ururka Towfiiq Islamisk senter oo ay ka tirsanyihiin ku dhawaad 8000 xubnood. Wuxuuna ahaa urur soo jiray ku dhawaad 30 sano, ahaana meesha ugu weyn ee soomaalida Norway ay ku mideysantahay.

Wixii arintan kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Fylkesmannen varsler sletting av Norges største moské

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments