torsdag, april 18, 2024

(Fredrikstad)-Dhacdo Taariikhi ah: Afar siyaasi soomaali ah oo hal gole deegaan isugu imaaday.

Xubnaha cusub ee dhawaan la doortay ee golaha deegaanka magaalada Fredrikstad, ayaa shaley isugu yimid mid kamid ah shirarkoodii ugu horeeyay ee sanadkan. Waxeyna kaga doodeen, kuna ansixiyeen qodobo ka xiriira ajende-sanadeedka golohaas ee sanadkan.

Shirka golaha deegaanka ee magaalada Fredrikstad shaley ka dhacay, ayaa soomaalida dhankeeda u noqon doono mid taariikhda gali doono, maadaama hal shir gole deegaan ay isugu imaadeen afar siyaasi oo soomaali ah. Kuwaas oo kamid ah 53-ka xubnood oo ay bulshada reer Fredrikstad ee dhalad iyo ajaaniib isugu jirto ay ku aamineen inay u taliyaan.

Afarta siyaasi ee shaley Fredrikstad ka dhigay taariikhda gaarka ah, ayaa kala ah Maxamed Warsame(Ap), Muxyidiin Cabdi(Ap), Maxamed Camaleeti(Ap) iyo Siciid Maxamed(Rødt). Maxamed Warsame iyo Muxyidiin Cabdi ayaa horey uga tirsanaa golaha deegaanka Fredrikstad, halka Maxamed Camaleeti iyo Siciid Maxamed ay sanadkan kusoo biireen.

Midnimo: Waxey sameysteen hal olole doorasho:

Waxaa xusid mudan in intii ay socotay ololihii doorashada deegaanka, ay afartan siyaasi si isku mid ah bulshada soomaaliyeed ee reer Fredrikstad ay codka u weydiistaan. Iyaga oo wada socdo, hal olole doorashana uu ka dhaxeeyo. Waxeyna soomaalida ka wada codsadeen inay u wada codeeyaan, iyaga oo ku kalsoonaa inay afartuba soo wada bixi karaan, taas oo markii danbe dhacday.

Sadex kamid ah waxey heleen boosas toos ah(rasmi ah) ka heleen xubnaha golaha deegaanka cusub, halka midkoodna uu helay booska koowaad ee ku xigeenka golaha deegaanka ee xisbigiisa rødt.

Sawir looga qaaday mid kamid ah shiradkii ololaha doorashada.

Si ka duwan reer Fredrikstad, soomaalida Oslo oo afar qof ay sanadkan u sharaxnaayeen ayaa afartoodu mid walba uu watay olole gaarkiisa ah. Iyada oo marnaba aysan suurtogalin inay hal meel isugu imaadaan. Waxeyna aakhirkii taas sababtay in qofna uusan kasoo galin oo ku xigeeno ay wada helaan.

Shirka shaley ka dhacay golaha deegaanka Fredrikstad ayaa qodobada looga hadlay, laguna ansixiyay waxaa kamid ah ahaa soo qaadashada magaalada Fredrikstad ee tiro cusub oo qoxooti ah oo dib u dajin loo sameeyo.

Halka kasii akhri mid kamid ah afartooda oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Fredrikstad blad.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x