lørdag, april 20, 2024

«Waxaan hadda Imaam ka ahay Misaajidkii aan mar doonayay in aan ku xasuuqo Muslimiin badan»

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Qisada Richard McKinney oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa soo jiidatay dad badan oo caalamka ku nool, kuwaas oo aad ula dhacay qaabka uu isu badelay fikirkiisa iyo noolasha ninkan.

Richard McKinney oo horay uga tirsanaa ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ee loo yaqaano Marines-ka, kana soo dagaalamay bariga dhexe ayaa dagaaladii uu soo galay waxa ay ku dhalisay in uu naceyb u qaado dadka heysta diinta Islaamka.

«Waxaa jirkeyga ka buuxay naceybka aan u qabo diinta Islaamka, waxaan necbaa waxwalba oo la xiriira Islaamka, waxaan sidoo kale necbaa qofka aaminsan diinta Islaamka, waxaana aaminsanaa in diinta islaamka ay lamid tahay cudurka kansarka, dhibaatana ku tahay dunida», ayuu yiri Richard oo ka shekeenayay marxaladii u soo maray iyo waxa uu ka aaminsanaa diinta Islaamka.

Richard isagoo 25 sano jir ayaa lagu qasbay in uu ka fariisto ciidamada Mareykanka, maadaama uu kusoo dhaawacmay dalka Ciraaq oo uu kasoo dagaalamay, waxuuna sidaas ku noqday hawlgab. Cadowgiisa koowaad waxaa uu xiligaas u arkayay in ay tahay diinta islaamka, waxaana ku dhashay go’aan ah sidii uu uga aargoosan lahaa dadka heysta diinta islaamka.

Markii uu dib ugu laabtay Magaalada Muncie ee gobolka Indiana ee dalka Mareykanka oo ah halka ay ku nool yihiin isaga iyo qoyskiisa, waxaa uu go’aansaday in uu waxyeeleeo dadka heysta diinta Islaamka iyo xarumaha ay ku cibaadeystaan, maadaama xiligaas ay ku weyneyd Islaam naceybka, waxaana uu qorsheeyay in uu qarxiyo Misaajiid ay ku tukadaan dad badan oo kunool Magaalada Muncie.

McKinney ayaa markii uu soo akhriyay Qur’aanka waxaa uu sheegay in uu soo ogaaday in dhamaan waxyaabaha ay daliishadaan kooxaha Islaamiga ee jihaad doonka ah aysan waxba ka jirin, sidoo kalena uu yaqiinsaday waxyaaba badan oo lagu dhaliilo diinta Islaamka, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin.

Waxaa kale oo uu sheegay in wixii inta ka dambeeyay uu go’aansaday in wakhti badan ku bixiyo Kitaabka Qur’aanka, si uu wax uga fahmo waxa ku qoran, arritaas oo uu sheegay in ay ka caawisay in uu waxbadan ka fahmo diinta Islaamka iyo waxa ay fareyso.

Barnaamijka BBC-da ee Heart and soul oo warbixin dheer ka diyaariyay ninka ayaa waxaa u u sheegay in faham dheer kadib uu qaatay diinta Islaamka, tallaabadaas na ay badeshay noolashiisa.

Richard waxaa uu haatan hogaamiye iyo wadaad ka yahay isla Misaajidkii uu doonayay in uu qarxiyo laba sano kahor, waxaana qisadiisa ay soo jiidatay dad badan oo caalamka ku nool.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x