Wasiirka qoyska oo diidan inuu raali-galin siiyo qoysaskii dowlada kaga guuleystay kiisaska barnevernka.

0
102
Kjell Ingolf Ropstad: wasiirka qoyska iyo caruurta. Foto: Twitter

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa labadii bilood ee ugu danbeysay dowlada Norway ku xukuntay labo kiis oo ku saabsan hey´adda barnevernka. Waxeyna maxkamadu dowlada Norway ku eedeysay inay jabisay xeerka xuquuqul insaanka Yurub, iyada oo magdhow u xukuntay qoysaska maxkamada dowlada uga guuleystay.

Qoysaska kiisaska loo xukumay ayaa TV2 u sheegay in ilaa hada ay ka yaabanyihiin in dowladu aysan wax raali-galin ah ka bixin dhibtii ay la kulmeen qoysas ahaan. Iyaga oo sheegay ineysan ilaa hada helin garowshiiyo ah ah oo dowlada ka socoto ama ka garaabista dhibta loo geystay ah.

Wasiirka qoyska Norway, Kjell Ingolf Ropstad oo si toos ah loo weydiiyay sababta aysan dowladu raali-galin u bixin, ayaa ka war-wareegay inuu ka jawaabo su aashaas, wuxuuna wasiirku diiday inuu raali-galin siiyo qoysaska ay maxkamadu u xukuntay kiisaska.

Kjell Ingolf Ropstad oo sidoo kale ah gudoomiyaha xisbiga KRF ayaa sheegay inuu fahansanyahay culeyska ay qoysaska dareemayaan, balse wuxuu raaciyay in shaqada dowladu iyo barnevernku ay tahay badbaadinta ilmaha iyo caawinta qoysaska caawinta u baahan.

Qaar kamid ah qoysaska Waalidiinta kiisaska uga guuleystay dowlada ayaa sheegay in wasiirku uusan u qalmin inuu noqdo wasiirka qoyska, hadii uusan dareemi karin xanuunka ay qoysaska la kulmeen, uuna awoodi karin inuu raali-galin bixiyo.

Wasiirka ayaa dhankiisa sheegay in dowladu ay ka shaqeyneyso wax ka badalista xeerka hey´adda barnevernka, ayna hada dowladu wado diyaarinta sharci cusub.

Xigasho/kilde: Nekter å beklage overfor foreldrene i EMD-sakene

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments