Wasiirka cadaalada: Sharciyada Qoxootiga ee Australia, wax badan ayaa laga baran karaa.

0
137
Jøran Kallmyr : Wasiirka cadaalada Foto: Skjermdump/TV2

Wasiirka cadaalada Norway, Jøran Kallmyr oo dalka Australia uga qeybgalayo shirka ka hortaga maalgalinta argagaxisada, ayaa sheegay sida uu ugu qancay nidaamka qoxootiga dalka Australia. Isaga oo sheegay in wax laga baran karo.

Wasiirka oo la siinayay cashar ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan laamaha qoxootiga dalkaas, ayaa yaa sheegay in Australia ay gabi ahaanba joojisay qoxootiga dalkeeda doomaha ku imaan jiray. Taasna ay tahay mid wax laga baran karo.

Australia ayaa boqolaal mar lagu dhaleeceeyay inay qaab xun oo ka baxsan bini-aadantinimada ula dhaqanto qoxootiga. Waxeyna qoxootiga dalkeeda magangalyada weydiisto ku xirtaa xeryo kuyaal jaziirado bada dhexdeeda kuyaalo. Waxeyna u diidaa inay dalka Australia soo galaan, ilaa laga shaqeynayo codsigooda magangalyada, lagana siinayao magangalyo.

Wasiirka ayaa sheegay inuu aad ula dhacay arintaas, uuna rabo inuu ogaado qaabka ay arintaas ugu guuleysteen.

Xigasho/kilde: Justisminister Jøran Kallmyr (Frp) inspirert av strenge asylregler i Australia

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments