Wasiiradda shaqada oo maanta kawaanka baarlamaanka saaran.

0
83
Anniken Hauglie: Wasiirada shaqada iyo arimaha bulshada

Baarlamaanka Norway ayaa maanta kalfadhi su’ aalo weydiin ah ugu yeeray wasiiradda shaqada,  Anniken Hauglie. Baarlamaanka ayaa kulankan ugu yeeray wasiirada si wax looga weydiiyo fadeexadii hey’ adda NAV ay sida qaldan u xukuntay boqolaalka qof ee lagu qabsaday qalad aysan galin.

NAV ayaa si qaldan u turjuntay sharci ku saabsan heshiis Norway kala dhaxeeyo wadamada EU-da, waxeyna xabsiga dhigeen ugu yaraan 50 qof, halka boqolaal kalena lagu xukumay inay dib usoo celiyaan lacago horey loo siiyay. Halkan kasii akhri.

Baarlamaanka ayaa raba in wasiiraddu ay cadeyso qaabka ay arintan ku dhacday iyo waliba qaabka ay dowladu rabto inay hada wax uga qabato, si loo gacansiiyo dadkii sida qaldan xabsiyada loogu xukumay ama noloshooda dhaqaale la burburiyay.

Xisbiyada qaarkood ayaa kasii digay in hadii wasiiradu aysan la imaan sharaxaad cad iyo qorshe qayaxan, ay ka keeni doonaan mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Halkan toos uga daawo kalfadhiga baarlamaanka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments