Wadan meelmariyay sharci ogolaanaya in qofka laga gacan siin karo inuu isdilo.

0
152

Baarlamaanka dalka New Zealand ayaa meelmariyay sharci ogolaanaya in qofka xanuunsan, lagu gacan siin karo inuu isdilo. Dadweynaha dalkaas ayaa dhawaan isla sharcigan u qaadi doono afti dadweyne.

Wadamada galbeedka waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ka socotay dood ku saabsan aragtida laga qabo in qofka lagu gacan siin karo inuu nafta is dhaafiyo ama isdilo. Dhakhaatiirta caafimaadka qaarkood ayaa soo jeediyay in qofkii qaba xanuun aan laga daawoobi karin, dareemanaya xanuun joogto ah, loo ogolaado in la siiyo daawooyin nafta dhaafin kara.

Inta aan la gaarin dadka aaminsan diimaha ee fikirka ka heysta nolosha iyo geerida qofka bini-aadamka ah, waxaa jiro dad badan oo qaba in fikirkaas uu morali ahaan, dhaqan ahaan, akhlaaq iyo damiir ahaanba kasoo horjeedo fikirka maangalka ah ee bini-aadanka. Iyaga oo qaba in xanuunka iyo la noolaanshaha xanuunka aan laga daawoobin, ay tahay mid kamid ah waxyaabaha dabiiciga ah ee nolosha.

New Zealand: Dood la socotay labo sano.

Baarlamaanka wadanka New Zealand ayaa labadii sano ee ugu danbeysay ka doodayay sharci ku saabsan in qofka loo fududeeyo inuu isdilo, waxeyna dood dheer kadib ugu danbeyn ansixiyeen in qofka lagu gacan siin karo inuu isdilo.

69 mudane oo katirsan baarlamaanka dalkaas ayaa sharcigan u codeeyay, waxaana kasoo horjeestay 51 kale.

Sharcigan ayaa ku saabsan in qofka xanuunsan, lana filan karo karo ama ay u badantahay inuu dhinto lixda bilood ee soo socoto, lagu gacan siin karo inuu isdilo. Waxaase shardi ah in xanuunka qofkaas uu qabo uusan aheyn, mid laga daawoobi karo.

Dadweynaha dalka New Zealand ayaa afti dadweyne u qaadi doono sharcigan, kahor inta aan la meelmarin.

Xigasho/kilde: New Zealand to vote in referendum on euthanasia

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments