onsdag, april 24, 2024

VG: Turkiga oo xabsiga dhigay qareen Norway ka caawin jiray hubinta macluumaadka qoxootiga.

Sida uu qoray wargeyska VG, laaamaha amaanka dalka Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay qareen u dhashay dalka Turkiga, kaas oo lagu eedeeyay inuu dowlada Norway ka caawin jiray hubinta macluumaadka dadka magangalyada codsado.

Sida ay qorayaan warbaahinta Turkiga, ninkan ayaa ku eedeysan danbi la xiriira «basaasid», waxaana si hordhac ah loo geeyay xabsiga inta kiiskiisa laga soo baarayo. Qabashada ninkan ayaa dhacday bartamaha September ee sanadkan.

Ninkan waxaa xiliga la qabanayay lala qabtay feylka(Map) ay ku qoranyihiin macluumaadka shaqsiyeed tobonaan qof oo Turkiga u dhashay, kuwaas oo magangalyo Norway weydiistay. Booliska Turkiga oo sidoo kale baaritaan ku sameeyay xafiiska ninkan ayaa sheegay in xafiiskiisa laga helay kiisaska kumanaan qof oo kale.

Sida uu wargeyska VG qoray, ayaa dowlada Norway ay 13 qof oo Turki ah oo Norway magangalyo weydiistay, lagu wargaliyay inay dhici karto in macluumaadkooda shaqsiyeed ay gacanta u galeen dad kale. Dadka ugu badan ee 13-kan katirsan ayaa ogolaanshaha magangalyada helay, kahor inta aan ninkan Turkiga lagu xirin.

Wasaarada arrimaha dibadda Norway ayaa wargeryska VG u xaqiijisay in ilaa hada aysan helin eedeyn rasmi ah oo Turkiga ka timid, kuna saabsan wax basaasida ninkaas lagu eedeeyay inuu u sameynayay dowlada Norway.

Xigasho/kilde: Advokat jobbet for Norge – spionsiktet og fengslet i Tyrkia

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x