Twitter: Dad ku baaqayo in la takooro shirkadaha norwiijiga ah, kadib markii Kristiansand lagu gubay kitaab quraan ah.

0
155

Kooxda xagjirka midigta fog ee neceb islaamka, muslimka iyo soo galootiga ee SIAN, ayaa banaanbax ay dhowr maalin kahor sameeyeen ku gubay kitaab quraan ah. Banaanbaxan ayaa ka dhacay magaalada Kristiansand ee dalkan Norway, waxeyna boolisku xireen, iskuna dayeen inay ka hortagaan dadkii dabka qabadsiiyay kutubka quraan ah.

Dhacdadaas oo maalmihii lasoo dhaafay laga hadalhayay baraha bulshada, gaar ahaa Twitterka ayaa dhalisay xanaaq xoogan oo ay ka muujiyeen muslimiinta kunool daafaha caalamka.

Waxaa xiligan Twitter ka socdo qoraal dhacdada gubista kitaabka quraanka ah looga hadlayo, waxeyna dad badan ku baaqajaan in la takooro ama aan wax laga iibsan shirkadaha Norwiijiga.

Meelaha ay dooda ugu badan ee arintan ku saabsan ay xiligan ka socoto ayaa waxaa kamid ah dalalka Turkiga, Maleysia iyo Pakistan. Waxaana shirkadaha lasoo jeediyay in la takooro kamid ah shirkada talefoonada ee Telenor. Shirkadan ayaa macaamiil xoogan ku leh dalalkaas kor ku xusan oo dadkoodu ay muslimiin u badanyihiin(Majority).

Waxaa intaas la socdo hanjabaado loo jeedinayo Norway iyo shirkadaha Norwiijiga ah. Hey´adda sirdoonka dalkan Norway ayaa NRK u xaqiijisay inay arintan si dhow ula socdaan.

Xigasho/kilde: Oppfordrer til boikott av norske bedrifter etter koranbrenning

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments