Soomaalida Bergen iyo nawaaxigeeda oo 83,672 kr ugu deeqay Beledweyne.

0
114

Soomaalida ku nool magaalada Bergen iyo deegaamada ka agdhow ayaa lacag gaareyso 83.672 kr, una dhiginta 8.650 dollar ugu deeqay dadkii ku waxyeeloobay fatahaadii wabiga Shabeeele ee magaalada Beledweyne.

Soomaalida Bergen ayaa wadatashi kadib go´aansaday in lacagtan ay iska uruuriyaan si toos ah ugu gudbiyaan bulshada dhibaateysan ee Beledweyne ku dhaqan, iyaga oo sii marinayo xubno jaaliyada kamid ah oo xiligan Beledweyne ku xugan.

Bergen oo kamid ah magaalooyinka ay soomaalidu ku xoogantahay tiro ahaan ee dalkan Norway, ayaa kamid meelaha war walba looga gurmado dhibaatooyinka ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Horey magaalada Tromsø iyo magaalooyin dhowr ah oo kale ayaa lacago ku dhow boqolaal kun u diray dadka ku waxyeeloobay dhibaatada fatahaada Beledweyne.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments