Putin oo ay u badantahay inuu cafis u fidiyo jaajuus Norwiiji ah.

0
150

Frode Berg oo ah nin u dhashay dalkan Norway, lana shaqeyn jiray, xogna usoo uruurin jiray hey’ adda sirdoonka Norway, ayaa sanadkii 2017 lagu qabtay magaalada Mosco, waxaana lagu xukumay xabsi dheer, isaga oo ku eedeysnaa fal jaajuusnimo ah.

Frode oo xiliga la qabanayay ku jiray da’ da howlgabka, ayaa markii hore katirsana ciidanka ilaalada xeebaha Norway. Wuxuuna markii hore iska fogeeyay danbiga ay laamaha sirdoonka Ruushku ku eedeeyeen, laakiin markii danbe ayuu maxkamada ka qirtay inuu xog uruuriye u ahaa laanta sirdoonka Norway. Waxaana lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah. Halkan kasii akhri kiiska ninkan.

Norway oo wadan sadexaad sii mareyso:

Dowlada Norway ayaa dadaal dheer u gashay sidii Frode xabsiga looga sii deyn lahaa, waxeyna qabashada odeygan da’ da ah iyo ka hadalka warbaahinta ee kiiskiisa, ay dowlada Norway ku noqotay fadeexad waji gabax ah. Waxaana laanta sirdoonka Norway lagu eedeeyay inay dayaceen, kana faa’ iideysteen odeygan joogo xiligii howlgabka.

Norway ayaa dadaalo badan oo diblomaasiyadeed u gashay soo sii deynta Frode, iyada oo kiiska ninkan uu noqday xarig jiitama oo u dhaxeeyo Norway iyo Ruushka. Warbaahinta Ruushka ayaa labadii sano ee ugu danbeysay kiiska odeygan uga hadleysay si xoogan, taas oo loo arkayay fadeexeyn iyo ku digasho ay Ruushka ceebeynayaan, jilicsanaanta farsamada xog uruurinta iyo hanaanka sirdoonka ee laamaha sirdoonka wadamada galbeedka, ee dagaalka xoogan kula jiro kuwa Ruushka iyo xulafadiisa.

Norway oo labadii sano ee ugu danbeysay raadineysay wado ay marto, ayaa ugu danbeyn heshay wadan sadexaad oo ka gacan siiyo sii deynta kiiska Frode Berg.

Dowlada Lituenia oo gacanta ku heysa dhowr qof oo caan ah, kana tirsan hey’ adda sirdoonka Ruushka, ayaa dhawaan meelmariyay heshiis ah inay jawaasiista ay hayaan, ay ku badalan karaan kuwo u dhashay dalkaas ee Ruushka lagu qabtay.

Norway oo dhinaceeda raadineysay wado ay kula xaaldanto Ruushka, ayaa Lituenia ka codsatay in heshiiska kala badalashada jawaasiista, lagu daro magaca Frode Berg oo xiligan ku xiran xabsiga kuyaal Moosko.

Madaxweynaha Lituenia ayaa maanta lagu wadaa inuu saxiixo sharciga ogolaanaya heshiiska kala badalashada, waxaana loo badinayaa in arintaas ay meelmarto.

Qareenka u doodayo Frode Berg ayaa sheegay in hadii heshiiskaas la ogolaado, ay u badantahay in madaxweynaha Ruushka, Viladamir Putin uu cafis u fidiyo Frode, laguna wareejiyo Lituen oo Norway usoo gudbin doonto.

Xigasho/kilde: Underskrift fra Litauens president gir håp om snarlig utlevering av Frode Berg

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments