Pakistan: Telenor oo ku qasbanaatay inay dhaleeceyso kitaabkii lagu gubay Norway.

0
152

Shirkada isgaarsiinta Telenor ayaa qoraal xayeysiin ah oo ay kusoo daabacday wargeyska The DAWN ee dalka Pakistan, ku dhaleeceysay kitaab quraan ah oo lagu gubay banaanbax ka dhacay magaalada Kristiansand.

Arintan ayaa timid kadib markii qoraalo maalmihii ugu danbeeyay lagu faafinayay baraha bulshada dalka Pakistan, lagu dalbanayay in la takooro shirkadaha Norwiijiga ah ee dalkaas iyo dalalka muslimka ka howlgala. Si looga jawaabo kitaab quraan ah oo lagu gubay magaalada Kristiansand ee dalkan Norway.

Telenor ayaa qoraalkooda ku sheegay inay ka xunyihiin kitaabka la gubay, ayna dareenkooda la qeybsanayaan malaayiinta muslimiinta ah ee macaamiisha ka ah shirkadaas. Waxeyna muujiyeen sida ay uga xunyihiin arinta ka dhacday Kristinsand.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada dalka Pakistan la isla dhexmarayay warar been abuur ah oo ku saabsan in la xirayo shirkada Telenor, qeybteeda dalka Pakistan.

Dhaleeceynta iyo raaligalinta Telenor ayaa kusoo aadeyso, xili shaley wasiirka cadaalada Norway uu sheegay in quraan-gubistu ay kamid tahay xoriyada hadalka ee qofka Norway kunool.

Xigasho/kilde: I en annonse i Pakistan fordømmer Telenor SIANs brenning av Koranen.


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments