Oslo: Wadaadka Krekar oo lagu xukumay in Italy loo tarxiili karo.

0
94
Wadaadka Krekar.

Maxkamada Oslo ayaa go´aamisay in wadaadka Mulla Krekar loo tarxiili karo wadanka Italy oo soo dalbaday in loo soo gacangaliyo. Maxkamada kuyaal Talyaaniga aya Krekar ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah, waxaana lagu eedeeyay danbi la xiriira argagaxiso.

Maxkamada Oslo ayaa diiday hadalka Krekar oo ahaa in hadii Talyaaniga loo gacangaliyo, ay usii gudbin karaan dalka Ciraaq, halkaas oo uu Krekar kaga xukumanyahay dil toogasho ah.

Qareenka Krekar ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka maxkamada Oslo. Isaga oo sheegay in arinta Krekar ay dabada ka riixayaan dano siyaasadeed. Wuxuuna raaciyay in kiiska Krekar uu xitaa gaarsiin doono maxkamadaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

Wadaadka Krekar oo asal ahaan kasoo jeedo Kurdida Ciraaq, ayaa ahaa hogaamiyaha koox mujaahidiin ah oo dalka Ciraaq ka howlgali jiray sanadadii sideetamaadka, xiligaas oo uu xukunka dalkaas hayay Saadaam Xuseen.

Xigasho/kilde: Mulla Krekar kan utleveres til Italia

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments