Muuqaal NRK: Qabiil ayuu ku saabsanyahay khilaafka Towfiiq.

0
98
Foto: Fiksimile/NRK-Østlandssendigen.

Warbixin Muuqaal ah oo uu galabta sii daayay Tv-ga qaranka Norway ee NRK, barnaamijkiisa Nrk-østlandssendingen, ayaa lagu sheegay in qabiil uu salka ku hayo khilaafka mudo soo jiitamayay ee ka dhaxeeyo soomaalida Oslo, kuna saabsan maamulka masaajidka Towfiiq.

Xafiiska gobolka Oslo ayaa horey si kumeel gaar ah u joojiyay taageeradii ee uu masaajidku heli jiray, taas oo sida uu NRK sheegay gaareyso 7,8 milyan kr sanadkiiba. Xafiiska gobolka ayaa joojinta dhaqaalaha ku sababeeyay inay heleen waraaqo ka socdo labo kooxood oo soomaali ah, kuwaas oo mid walba gaarkiisa u sheeganayo inuu yahay gudiga saxda ah ee masaajidka Towfiiq.

NRK ayaa warbixintooda ku wareystay Cabdi Siciid Diiriye oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiga SV ee magaalada Oslo. Kana mid ahaa musharaxantii soomaalida aheyd ee sanadkan ka sharaxnaa magaalada Oslo.

Cabdi ayaa NRK u sheegay in soomaali badan ay aad uga yaabanyihiin in khilaaf ku saabsan masaajid uu lugta la gali karo qabiil, ayna arintan muujineyso sida ay adagtahay in xal laga gaaro khilaafyada salka ku haya arimaha qabiilka.

Labada guruub ee soomaalida ah ee masaajidka maamulkiisa isku heysta ayaa midood diiday inay arinta uu NRK sheegay ay ka bixiyaan jawaab, halka tan kalena ay iska fogeysay in khilaafka masaajidku uu salka ku hayo qabiil.

Xigasho/kilde: NRK: Mener Klanstangegang er årsak til konflikt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments