Maxkamada xuquuqul insaanka oo dowlada Norway ka xukuntay kiiskii labaad oo barnevern ah.

0
163
Maxkamada sare ee xuquuqul insaanka Yurub. Foto: Wikipedia

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa maanta dowlada Norway ku xukunkii kiiskii labaad oo ku saabsan kiis barnevern ah. Waxeyna maxkamadu dowlada Norway ku eedeysay inay jabisay qodobka 8-aad ee xeerka xuquuqul insaanka Yurub.

Qodobka 8-aad ee xeerka xuquuqul insaanka Yurub ayaa ah mid ka hadlayo xuquuqda qofka ee in lagu ixtiraamo noloshiisa gaar ahaaneed iyo mida qoyska.

Maxkamada ayaa dowlada Norway ku xukuntay inay waalidka kiiskan loo xukumay ay siiso magdhow dhan 10.000 Euro waalidbkiiba, sidoo kale ay dowladu bixiso qarashka ku baxay dhageysiga dacwada kiiskan.

Kiiska ilmo umusha lagu qaatay, balse dib waalidkiis loogu soo celiyay:

Kiiska maanta lagu xukumay dowlada Norway ayaa ku saabsan gabar waalidkeed laga wareejiyay, maalmo uun kadib marka ay dhalatay.

Hooyada iyo aabaha ilmahan ayaa maalmo kahor dhalashada gabadhooda lagu xareeyay xarunta waalidka, balse markii ay maalmo dhalaneyd kadib ayaa laga wareejiyay gacantooda, waxaana la geeyay xarunta xanaanada caruurta ee dowlada. Bilo kadibna waxaa la geeyay xarunta lagu koriyo ilmaha ee dowladu ay gacanta ku heyso.

Waalidka ilmaha ayaa sadex sano oo dagaal maxkamadeed ah kadib, sanadkii hore ee 2018 dib u helay xuquuqda xanaanada waalidnimo ee gabadhooda.

Maxkamada ayaa xukunkeeda ku sheegtay in dowladu ay ilaa xad ku saxsaneyd la wareegista xanaanada ilmaha, balse ay aad u xadiday la joogista ilmaha ee waalidkeed. Waana qodobka keenay in maxkamadu ay kiiska ka xukunto dowlada Norway, kuna eedeyso jabinta xeerka xuquuqul insaanka Yurub.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa ilaa hada qaaday 4 kiis oo ku saabsan barnevern, kuwaas oo dowlada Norway lagu eedeeyay jabinta xuquuqda qofka ee xaq u lahaanshaha la joogista qoyskiisa.

Waxaa dowlada Norway lagu xukumay labo kiis, halka labo kalena lagu waayay danbiga dowlada lagu soo eedeeyay.

Waxaa saf kujira oo aan wali dacwadooda la qaadan ugu yaraan 30 kiis kale oo barnevern ku saabsan, kuwaas oo ka dhan dowlada Norway.

Kiiska maanta dowlada Norway laga xukumay ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeelan karo kiisaska kale ee aan wali dacwadooda la qaadin.

Xigasho/kilde: Ny dom mot Norge i Menneskerettighetsdomstolen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments