Malmø: Geerida wiilkan oo Sweden dhan gilgishay.

0
119
Foto: Krister Hansson/Aftonbladet

XIgasho/kilde: Sveriges-Radio

Fiidnimadii sabtida ee dhammaadka toddobaadkii tegay, waxaa magaaladda Malmö ka dhacay weerar lagu dilay wiil 15 jir ah, halka mid kale oo la da’ ahna si daran loogu dhaawacay, sida uu xaqiijiyay madaxa booliska magaaladda Malmö Stefan Sintéus.

Labadda wiil ayaa waxaa lagu weeraray maqaayad lagu iibiyo Pizza-da, laakiin madaxa booliska magaaladda Malmö Stefan Sinteus oo sabtidii wax laga weydiiyay ayaa sheegay in ay tahay goor hore in faahfaahin dheeri ah ey ka bixiyaan maadaama ay ku howlan yihiin xog uruurinta dhacdada.

Dilkan ka hor ayaa booliska waxaa soo gaaray qeylo dhaan ah in qarax aad u xoogan uu ka dhacay meel labo kilomitir keliya u jirta halka wiilasha lagu weeraray.

Labadda wiil ee la dilay ayaa dhashay 2004 sida uu sheegay madaxa booliska Malmö. Waxaa intaasi dheer in labaduuba ay bileyska aqoon u lahaayeen balse taliyaha Malmö ayaa ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeri ah ka bixiyo wiilasha.

Taasi bedelkeeda ayaa weerarka lala beegsaday wiilasha waxuu ku tilmaamay masiibo aad u culus, isaga oo sheegay weerarki inuu xiriir la leeyahay dambiyada is kooxeysiga maafiyada oo sida taliyuhu sheegay booliska Malmö ay si xooggan ugu howlan yihiin in ay wax ka qabtaan.

Booliska Malmö ayaa lagu wadaa in shir jaraa’id oo ku aadan weerarkii dhacay iyo qaraxa dhacay gelinkii hore ee sabtidii.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha Mikael Damberg oo ka hadlay dhacada Malmö ayaa sheegay in wax dhacay uu ka xun yahay magaaladda Malmö-na aysan keligeed ahayn oo ay dowladdu garab taagan tahay, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in sharcigu shaqeeyo lana soo xiro kooxaha dambiyada geysta.

Dadweynaha Sweden ayaa dalbanayo in wax laga qabto dilalka soo noq-noqdo ee lagula kaco dhalinyarada. Waxaan Guud ahaan Sweden ka socoto dood xoogan oo dilka wiilashan ku saabsan.

Xigasho/kilde: Sveriges-Radio-Qeybta afka soomaaliga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments