tirsdag, april 23, 2024

Malaayiin Kr ayay xaq u lahaan karaan dadka ay NAV ku qaldantay.

Waxaa wali Norway ka socdo hadalheynta kiiskii fadeexada ahaa ee kusoo baxay hey´adda NAV. Ugu yaraan 40 qof ayaa loo xukumay qalad aysan galin, kadib markii ay NAV kusoo oogtay inay qaateen lacag aysan xaq u laheyn.

Sidoo kale boqolaal qof ayaa lagu qasbay inay bixiyaan boqolaal kun oo kr, waxaana lagu qasbay inay iibiyaan qeybo kamid ah hantidooda, si ay u gudaan lacagaha lagu xukumay inay bixiyaan.

Qareenada gacanta ku haya kiisaska dadkan ayaa xisaab ay sameeyeen ku sheegay in dadkan laga galay tobonaan qalad oo nolosha dhaqaale iyo mida bulsho ahaanba dhaawac soo gaarsiisay.

Waxeyna sheegeen in dadka dhaqaale ahaan la galiyay boqolaal deymood, sidoo kale la dhaawacay sumcadooda dhaqaale, sidaas darteed ay xaq u lahaan malaayiin kr.

Dadka xabsiga lagu xukumay ayaa ugu yaraan xaq u leh in la siiyo magdhow u qalma mudadii ay xabsiga ku jireen iyo waliba lacagihii ay lumiyeen oo ay shaqeysan jireen intii ay xabsiga ku jireen.

Wali ma cada tirada rasmiga ah ee dadka sida qaldan loo xukumay, waxaana maalin walba soo baxayo dad cusub oo aan horey xisaabta ugu jirin.

Cabsida ugu weyn ee dowlada ayaa ah sida ay arintan saameyn ugu yeelan karto kalsoonida dadweynaha ee hey´addaha dowlada, gaar ahaan NAV.

Xigasho/kilde: Nav-ofre kan kreve millioner i erstatning

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
2
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x