onsdag, april 17, 2024

Maamulihii shirkada McDonald oo shaqada looga ceyriyay, xiriir galmo uu la sameeyay mid ah shaqaalaha shirkada.

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka sare ee shirkada weyn ee Mcdonald, ayaa lagu sheegay in shaqadii laga ceyriyay maamulihii shirkadaas, Steve Easterbrook.

Ceyrinta maamulaha ayaa lagu sababeeyay inuu xiriir la sameeyay mid kamid ah shaqaalaha hoose ee shirkada, taas oo kasoo horjeedo xeerka iyo qawaaniinta maamul ee shirkadaas u degan.

Steve Easterbrook oo shirkadaas maamule guud ka ahaa afartii sano ee ugu danbeysay, ayaa lagu eedeeyay inuu muujiyay awood yari dhanka ilaalinta qawaaniinta dhaqan ee shirkada ah, waxaana lagu amray inuu shaqada isaga tago, isla maalinta amarka ceyrinta ah lasoo saaray.

Maamulaha la ceyriyay ayaa qirtay qaladka lagu soo eedeeyay, wuxuuna raali-galin siiyay shaqaalaha iyo maamulka sare ee shirkadaas.

Ninkan ayaa kamid ahaa maamulayaasha ugu mushaarka badan dalka Mareykanka, wuxuuna mushaarkiisu u dhaxeeyay 15 ilaa 21 milyan oo dollar sanadkiiba.

Xigasho/kilde: McDonald’s CEO Steve Easterbrook is out for ‘consensual relationship with an employee’

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x