Kooxda Rosenberg oo qaadatay laacib 14 jir soomaali ah.

0
241
Foto: Namdalavisa Sawirka Sakariye Faarax

Kooxda Rosenberg oo kamid ah kooxaha ugu waaweyn dalkan Norway, ayaa qaadatay Sakariya Faarax oo ah 14 sano jir laacib soomaali ah.

Warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Overhalla ee kommunaha Namdal ayaa aad u hadalheyso u wareegitaanka Sakariya ee kooxda Rosenberg.

Kooxda Rosenberg ayaa horey u sheegtay inay la socotay 14-jirkan soomaaliga ah oo Norway yimid sanadkii 2015. Halkan kasii akhri warbixintii aan dhowr bilood kahor ka qornay.

Sakariya ayaa dhowrkii sano ee uu Norway joogay tababar kusoo qaatay iskuulada ugu sareeyo ee lagu soo saaro laacibiinta leh hibada gaarka ah, loona tababarayo inay mustaqbalka kubadeed oo weyn yeeshaan.

Sakariya ayaa kasoo baxay Iskuulka tababarka xidigaha mustaqbalka ee «Equinor talentleir». Waxaana sanad walba ku biirista iskuulkaas tartan u galo boqolaal ciyaaryahano oo rabo inay indhaha kooxaha waaweyn u muujiyeen awoodooda ciyaareed. Waxaana horey uga soo baxay xidigo waaweyn oo qaarkood ay hada ka ciyaaraan horyaalada waaweyn ee kubada cagta. Martin Ødegaard oo hada katirsan kooxda Real Madrid ayaana kamid ah xidigaha kasoo baxay iskuulkaas.

Faiso Rashid Ali oo ah hooyada Sakariya ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay in wiilkeedu uu jaanis ciyaareed ka helo kooxda Rosenberg.

Xigasho/kilde: Stortalentet fra Overhalla blir Rosenborg-spiller

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments