IRN oo soo jeedisay dhismaha xarun «barnevern» islaami ah.

0
144

Wasaarada caruurta iy qoysaska ayaa dhawaan gudbisay hindise sharciyeed isbadal loogu sameynayo sharciga badbaadinta xanaanada caruurta. Dowlada ayaa hindise sharciyeedkan cusub ku sheegtay inay xooga ku saari doonto waxa u fiican ilmaha.

Waxaana jiray fikiro badan oo laga dhiibtay hindise sharciyeedka cusub ee wasaarada, iyo qaabka lagu ilaalin karo waxa u fiican ilmaha.

Gudoomiyaha dalada ururada islaamiga ah ee Norway(IRN), Cabdiraxmaan Diiriye ayaa soo jeediyay in la dhiso xarumo islaami ah oo lagu xanaaneeyo ilmaha barnevernku la wareegaan, kuwaas u shaqeyn kara si lamid ah sida xarumaha kale ee barnevernka.

Wuxuuna ku sababeeyay in taas ay ilaalin karto dhaqanka iyo asalka ilmaha, waalidiintuna ay ku dareemi karaa xasilooni ku saabsan in ilmahooda uu ku korayo dhaqanka iyo diinta ay waalidkiisu heysteen. Iyada oo la ogyahay in waalid badan oo soo galooti ah aysan ku kalsooneyn hey´adda barnevernka.

Soo jeedintan ayaa baraha bulshada ka abuurtay dood, waxaa jiro dad badan oo soo dhaweeyay, una riyaaqay fikirka IRN. Balse waxaa dhanka kale maanta warbaahinta Norway ka socotay dood adag oo arintan ku saabsan, iyada oo dad badan ay sheegeen in hadii qowmiyad walba oo aaminsan diin gaar ah loo furo xarun barnevern, ay keeni karto isku dhex yaac nidaamka iyo xeerka hey´adda barnevernka.

Xigasho/kilde: Islamsk Råd foreslår muslimske barnevernsinstitusjoner

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments