Hooyo Soomaali ah oo wiilkeeda ku dhiira gelisay inuu qirto dambi, balse hada dhibaato wajahaysa.

0
125
Deeqo Xuseen

Deeqo Xuseen waa hooyo Soomaaliyeed oo deggan dalka Mareykanka, waxa ayna ka mid tahay waalidiin carruurtooda sanado ka hor looga shakiyay in ay qaateen afkaarta kooxaha xag-jirka ah ee ka dagaallamayay gudaha dalka Suuriya.

Deeqa ayaa sheegtay inay xiligan soo wajaheen culeysyo badan oo uga imaanaya bulshada soomaaliyeed oo ay ka dhalatay. Deeqo oo dhawaan wareysi siisay warbaahinta gudaha Mareykanka ayaa sheegtay inay wiilkeeda garab istaagtay talo aheyd inuu qirto dambiga loo haysto .

Arintaas ayay hooyadan soomaalida ah sheegtay inay ku muteysatay in Soomaalida kale ay ku eedeeyaan in ay la shaqeyso mukhaabaraadka Mareykanka.

»Ilaa maalintii wiilkeyga la xiray ilaa haatan ma nasto oo xitaa jidka haddii aan maraayo waa la ii dhibaateeya», ayay tiri Deeqo.

»Haddii uu qof saaxiibo aan nahay ila socdo, intay u tagaan qofka ayay ku dhahayaan maxaa qofkan kula socodsiiyay»,?

»Mararka qaar inay i istaajiyaan ayay igu oranayaan ma FBI baa tahay? marka runtii aan sheegnay darteed baan waxaasoo dhibaato u mareynaa».

‘Laba habeen ayaan sigtay oo nafteyda halis gashay oo la rabay in dhibaato laygeysto». ayay intaasi ku sii dartay Deeqo.

Deeqo Xusseen waa hooyada dhashay Cabdirisaaq Warsame oo Sannadkii 2015-kii lagu soo oogay dacwad dambiyeed ah inuu qorsheynayey inuu taageero qalab siiyo kooxda Daacish.

Deeqo ayaa wiilkeeda ku dhiragelisay inuu qirto dambiga loo haysto ka dib markii uu iyada u sheegay in uu dambiga galay oo la marin habaabiyay waxaana markii uu qirtay dambigiisa isaga iyo laba kale ay maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku xukuntay xabsi.

Balse hooyo deeqo ayaa arrintaasi waxay ku noqotay tuke cambaar leh oo ilaa haatan way daba socotaa arrintaasi.

Cabdirisaaq ayaa haatan waalidiintisa la nool ka dib markii uu soo dhameystay muddo xabsiyeedkiisii oo saddex sannadood ahaa.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments