Calanka Norway oo lagu gubay dibadbax ka dhacay Pakistan.

0
209

Waxaa wali qeybo kamid ah dunida muslimka ka socdo dibad baxyo lagu muujinayo carada ka dhalatay kitaab quraan ah oo lagu gubay dibadbax ka dhacay magaalada Kristiansand ee dalka Norway. Kaas oo ay soo abaabuleen kooxda xagjirka midigta fog ee SIAN.

Magaalada Krachi ee dalka Pakistan, waxaa shaley isugu soo baxay dad ka careysan dhacdadaas, kuwaas oo calanka Norway ku gubay meel banaan ah. Dadka isugu yimid banaanbaxa ayaa sheegay inay ka careysanyihiin kitaabka lagu gubay Norway, ayna dalbanayaan in ciqaab la marsiiyo qofkii falkaas ka danbeeyay.

Horey dowlada Pakistan ayaa Norway uga dalbatay inay jawaab cad kasoo siiso falka lagu gubay kitaabka quraanka ah, iyaga oo kulan ugu yeeray safiirka Norway ee Pakistan. Halkan kasii akhri

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa dhankeeda shaley sheegtay inay ka dowlad ahaan ay xurmeynayaan dhamaan diimaha iyo caqiidooyinka kala duwan.

Baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka waxaa ka socdo olole xoogan oo gubista kitaabka quraanka looga soo horjeedo. Waxaana jiro dad badan oo dalbanaya in la takooro shirkadaha Norwiijiga ah ee ka howlgala dunida muslimka ah.

Wasaarada arrimaha dibadda Norway, hey´addaha amaanka iyo shirkadaha Norway ayaa dhamaantood sheegay inay arintan ula socdaan si hoose, ayna u diyaar garoobi karaan falcelin walba oo ka imaan karta.

Xigasho: Her brennes det norske flagget i protest mot Koran-brenningen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments