Buuq iyo is qab-qabsi ka socdo masaajidka soomaalida ee Towfiiq.

0
214

Wuxuu buuq iyo is qab-qabsi uu ka socdaa masaajidka soomaalida ee Towfiiq, kaas oo maanta lagu balansanaa in lagu qabto kulan la sheegay in looga hadli lahaa khilaafkii masaajidka ka taagnaa bilihii ugu danbeeyay .

Muuqaalo si toos ah looga soo tabinayo gudaha masaajidka, laguna qeybinayo baraha bulshada ayaa muujinayo qeylo iyo is qab-qabsi masaajidka ka dhex socoto, iyada oo dhanka kalena ay socoto tirinka codadka doorasho.

Waxaana muuqaalada sidoo kale ka muuqdo ilaalo(Waardiyeyaal) kala celineyso soomaalida masaajidka isku dhex heysato. Soomaalida masaajidka ka dhex qeylineyso ayaa midba si u tilmaamaya howsha maanta masaajidka dhexdiisa ka socoto, iyada oo midba uu midka kale eedeynayo, isaga oo qeylinayo.

Wixii arintan kusoo kordha dib ayaan kasoo gelin doonaa.

Halkan ka daawo mid kamid ah muuqaalada masaajidka dhexdiisa laga soo tabinayo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments