Booliska oo u digaya baabuurleyda.

0
87

Baraf xoogan oo maalmihii ugu danbeeyay ka da’ayay qeybo badan oo Norway kamid ah, ayaa waxaa saaka iyo xaley badalay roobab xoogan. Taas oo keentay in barafkii hore ee wadooyinka yaalay uu dhalaalo, uuna sababo shilal badan oo baabuurta ah.

Booliska Norway ayaa gaadiidleyda uga digaya inay ka taxadaradaan wadista baabuurta ee wadoooyinka qaarkood, maadaama ay noqon karaan kuwo aad u sabiibax ah(Glatt).

Booliska ayaa baabuurleyda kula talinaya inay ku talagalaan waqti ka badan kii caadiga ahaa, ayna guryahooda kasoo baxaan xili hore. Ayna baabuurta ku wadaan xawaare degan.

Xigasho/kilde: Politiet advarer om krevende kjøreforhold: «Svært glatte veier»

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments