Booliska Denmark oo sheegay inay qabteen qof lala xiriiranyo dilka wiil soomaali ah.

0
143

Booliska dalka Denmark ayaa sheegay inay jimcihii xabsiga dhigeen wiil labaatameeyo jir ah oo lala xiriirinayo dilka wiil soomaali ah oo bilowga bishii September lagu dilay magaalada Copenhagen.

Dilka wiilka soomaaliga ah ee dhacay September ayay boolisku sheegeen in loo adeegsaday mindi, kadib markii dhowr qof ay isku gacan qaadeen xaafada Valby ee magaalada Copenhagen.

Booliska ayaa falkan dilka ah horey ugu soo qabtay sadex dhalinyaro ah oo da´doodu ay kala tahay 16, 16 iyo 19 sano. Waxeyna hada sheegeen in baaritaan kadib ay soo qabteen qof afaraad oo isla dilkan lala xiriirnayo.

Dhamaan dhalinyarada la qabtay ayaa isku fogeeyay arinta dilka ah ee lagu soo eedeeyay.

Waxaa magaalooyinka waaweyn ee dalalka Nordica kusoo badanayo dilalka loo geysanayo ama ay isku geysanayaan dhalinyarada soomaalida ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments