tirsdag, april 23, 2024

Boolis ku baxay qeylada soomaalida ee masaajidka Towfiiq.

Wuxuu galabta buuq iyo is qab-qabsi xoogan ka dhacay masaajidka soomaalida ee Towfiiq, kaas oo galabta lagu balansanaa inuu ka dhaco kulan xal loogu raadin lahaa khilaafkii bilihii ugu danbeeyay ka taagnaa maamulka masaajidka.

Muuqaalo laga soo duubay gudaha masaajidka, laguna faafiyay baraha bulshada ayaa tusinayo heerka uu gaarsiisnaa isqabqabsiga soomaalida ee masaajidka. Halkan ka fiiri buuqa masaajidka.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoog ah, booliska Oslo ayaa kusoo baxay buuqa caawa ka dhacay gudaha masaajidka. Booliska Oslo ayaan bartooda Twitterka oo ay bulshada kula qeybsadaan wararka, kusoo qorin wax xog ah oo ku saabsan buuqa masaajidka soomaalida ee Towfiiq.

Booliska ayaa naloo sheegay inay dadka banaanka masaajidka ku buuqayay ku amreen inay kala tagaan, maadaama la joogo xili danbe oo habeen ah, goobta masaajidka uu ku yaalana ay tahay xaafad ay deganyihiin qoysas caruur heysto.

Khilaafka masaajidka soomaalida ayaa soo socday mudo bilo ah, wuxuuna salka ku hayaa maamulka masaajidka oo ay soomaalidu ku heshiin la´yihiin qaabkii ay u maamulan lahaayeen masaajidka kali ah ee soomaalidu ay gaar u leedahay Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x