Barafka oo la saadaalinayo inuu maalmaha soo socdo ka bilaaban doono gobolada Bariga.

0
166

Hey´adda saadaasha hawada ayaa saadaalineyso in maalmaha soo socdo, gaar ahaan wixii ka bilowda habeenka ay sabtida soo galeyso, uu baraf ka bilaaban doono gobolada koonfurta iyo Bariga dalkan Norway.

Bishan November ayaa ku bilaabatay qabow, waxaana ay hey´addu sheegtay in Oslo iyo gobolada ku xeeran dhawaan laga filayo baraf xoogan oo maalmo yaali doono.

Waxaa xusid mudan in gobolada Woqooyiga iyo deegaamada Woqooyiga fog ee Norway uu mar hore u bilowday barafka qaboobaha.

Hey´adda ayaa u digeyso baabuurleyda wali ku socdo taayeerada xiliga xagaaga, kuwaas oo aan wali u badalan taayeerada xiliga qaboobaha.

Xigasho/kilde: Til helgen kommer vinteren til Østlandet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments