Caawa oo ku aadan axada ugu danbeysa ee bisha October, waxaa bilaaban doono waqtiga winterka ama qaboobaha, waxaana caawa saacadu marka ay tahay 2-da habeenimo waqtiga Norway horey dib loo celin doonaa hal saac.

Saacadaha digitalka ee ku xiran mobilada, baabuurta iyo computerada ayaa inta badan isku badala si iskood ah(Automatic ah), balse saacadaha ku xiran guryaha iyo kuwo aan digitalka aheyn ayaa u baahan in dib loo celiyo hal saac.

Midowga Yurub ayaa wada dood ku saabsan in guud ahaanba la joojiyo isbad-badalka waqtiyada xagaaga iyo qaboobaha ee saacada horey iyo gadaal loo celiyo. Waxeyna u badantahay in sanadka 2021 badalka saacada ee xiliga qaboobaha la joojin doono.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of