fredag, april 19, 2024

Xisbiga Trudeau iyo Axmed Xuseen oo ku guuleystay doorashadii Canada.

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa maanta guulo ka sheegtay doorashadii dhacday isniintii, isaga oo mar labaad loo doortay inuu dalka hoggaamiyo kadib markii xisbigiisa Liberal-ka ay baarlamanka ka heleen codad ku filan si uu usii ahaado xisbiga talada haya.

Sida uu shaaciyey taleefishinka CBC ee Canada, xisbiga Liberal-ka ee uu hoggaamiyo Trudeau ayaa la filayaa inuu ku guuleystay 157 kursi oo ka mid ah baarlamanka, taasi oo waxyar ka yar 170-ka kursi ee uu u baahan yahay si uu u helo aqlabiyad.

Si kastaba, Trudeau ayaa soo dhisi doona dowlad isbahaysi ah oo ay qeyb ka yihiin xubnaha xisbiga garabka bidix ee New Democrats oo helay 24 kursi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Trudeau ay iskula dhaceen arrimaha ganacsiga iyo isbeddelka cimilada ayaa u hambalyeeyey ra’iisul wasaaraha, isaga oo bartiisa twitter soo dhigay “Guul cajiib ah oo adkeyd, Canada si wanaagsan ayaa loogu adeegay.”

Sidoo kale wasiirka soo galootiga Canada oo asal ahaan Soomaali ah, ayaa mar kale ku guuleystay kursiga xildhibaanimo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x