Soomaali noqday qofka madow ee ugu saameynta badan UK.

0
136
Ahmed Ismail: Milkiilaha iyo aas-aasaha Wordl Remit

Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha shirkadda xawilaada casriga ee WorldRemit ayaa ka mid noqday diiwaanka dadka ugu saameynta badan dalweynaha UK.

Liiska dadka madow ee ugu sameeynta badan UK ee 2020-ka ayaa la shaaciyay, waxa uuna axmed liiskaas ka galay kaalinta koowaad. Isagoo la hadlay warbaahinta ayuu sheegay:

»Sharaf weyn ayay iitahay inaan ku guuleysto abaalmarintan»

«Markii aan London waxbarsho u imid oo aan bilaabay inaan lacag u diro eheladayda, waan wareeray oo igu adkaatay qiimaha lacagaha loogu diro xawilaadaha caadiga ah».

Markaasi ka dib ayuu bilaabay hadafkiisa ah inuu raadiyo waddo fudud oo lacagaha loogu xawuli karo dadka Afrika Joogo.

Mr Axmed waxa uu ahaa Khabiir ku xeel-dheer Xawilaadda Lacagaha iyo Nidaamka lacagaha laysugu Xawilo, waxaanu xoogga saaray arrimahan, isaga oo Shahaadda PhD cilmiga dhaqaalaha ku diyaarinaya Jaamacadda Imperial College ee magaalada London,»

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments