Solberg: Waxaan raali-galin siinayaa dadkii qaladka NAV loo xukumay.

0
178

Wasiirada shaqada Norway, Anniken Hauglie ayaa shaley shir jaraaíd oo ay qabatay ku sheegtay in hey´adda NAV, laga soo bilaabo sanadkii 2012 aysan dhaqan-galin jirin mid kamid ah xeerarka muhiim ah ee hey´addaas qabta.

Wasiiradda ayaa sheegtay in NAV in baaritaan dheer kadib la ogaaday in hey´adda NAV ay boqolaal qof u diiday lacag ay xaq u lahaayeen, halka kuwo kalena xabsi lagu xukumay, kadib markii ay NAV dacwad maxkamadeed kusoo oogtay. Halkan kasii akhri

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegtay inay magaca dowlada raali-galin ku siineyso dadkii sida xaqdarada loo xukumay, iyo kuwii laga codsaday lacagaha la siiyay. Waxeyna sheegtay inay dareensantahay dareenka xanuunka leh ee arintan ka dhashay.

Solberg ayaa raacisay inay aheyd in arintan oo kale aysan Norway ka dhicin.

Ugu yaraan 2400 qof ayay arintan sameeysay, waxaana xabsi si qalad ah loogu xukumay ugu yaraan 40 qof.

Xigasho/kilde: Solberg om Nav-skandalen: – Grenseløst urettferdig og vondt

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments