Raja oo mar kale loo doortay madaxweyne ku xigeenka baarlamaanka Norway.

0
89
Foto: TV2/S.D

Abid Raja oo ah siyaasi katirsan xisbiga Venstre ayaa markale loo doortay mid kamid ah gudoomiye(madaxweyne) ku xigeenada baarlamaanka Norway. Baarlamaanka Norway ayaa gudoomiyahooda ugu yeera, madaxweynaha baarlamaanka.

Doorashadan ayaa aheyd mid xiiso leh, maadaama xubno katirsan xisbiga Frp ay maalmihii ugu danbeeyay wadeen olole ka dhan ah Raja, ayna ku codsanayeen inaan mar kale loo dooran baarlamaanka.

Gudoomiya gudiga xubnaha baarlamaanka ee xisbiga Frp, ayaa doorashada kahor dalbaday in codbixinta doorashada laga dhigo mid qoraal ah, halkii ay markii hore ahaan jirtay mid qarsan.

Abid Raja ayaa helay codadka 128 cod oo kamid ah 159-ka cod oo ay bixiyeen xubnaha golaha baarlamaanka Norway ee kalfadhiga shaley joogay. Waxaana diiday inay codka siiyaan 31 xubnood, halka 5 xubnoodna ay ka aamuseen.

Raja oo asal ahaan waalidkiis ay kasoo jeedaan dalka Pakistan, ayaa maalmihii ugu danbeeyay ay weerarka afka warbaahinta ku dhex marayeen xubno katirsan xisbiga Frp.

Xigasho/kilde: Raja gjenvalgt – men fikk 31 blanke stemmer

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments