PST: Weerarkii shaley uma muuqan mid argagixiso ah.

0
77

Sida uu qoray wargeyska VG, hey´adda nabbadsugida iyo sirdoonka Norway ee magaceeda loo soo gaabiyo PST, ayaa baaritaanka koowaad oo ay ku sameeyeen dhacadadii af duubashada baabuurka deg-dega ah, ku sheegay i uusan u muuqan mid argagaxiso.

Nin 32 sano jir ah ayay boolisku kusoo eegeen dacwad isku day dil ah, kadib markii shaley uu si ula kac ah baabuur u jiirsiiyay dhowr qof. Waxaana dadka uu baabuurka jiirsiiyay kamid ahaa labo ilmood oo mataano ah.

32-jirkan ayaa wuxuu afduub u geystay baabuur kuwa nooca gargaarka ah, wuxuuna isku dayay inuu booliska kaga fagado baabuurkaas. Booliska ayaa markii danbe sidoo kale soo qabtay haweenay 25 sano jir ah, taas oo lala xiriirinayo falka afduubashada baabuurka.

Warbaahinta Norway ayaa shaley qoreysay in ninkaas uu horey uga tirsanaa kooxaha xagjirka midigta fog ah, dhowr marna uu soo marayo xukuno xabsiyeed.

Xigasho/kilde: PST: Ambulansekapringen ser ikke ut som terror

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments