Oslo: Wiilal walaalo soomaali ah oo ku eedeysan labo isku day dil.

0
132
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maalintii isniinta aheyd waxaa magaalada Oslo ka bilaabatay dhageysiga maxkamada dacwo ka dhan labo wiil oo walaalo soomaali ah, kuwaas oo ku eedeysan iskuday dil ama ka qeybqaadasho iskuday dil.

Wiilashan soomaalida ah oo da´ahaan kala jira 18 iyo 20 sano, ayaa ku eedeysan fal danbiyeed bilowga sanadkan 2019 ka dhacay xaafada Grønland oo ay soomaalidu ku badantahay. Waxeyna boolisku sheegeen inay mindi ku dili rabeen wiil kale oo 18 sano jir ah, kaas oo markii danbe ka badbaaday dhaawaca mindiyaha.

Eedeynta xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in 20-ka jirka soomaaliga ah uu lix mar mindi ku dhuftay dhibanaha 18-jirka ah, Halka walaalkiisna uu garaacay ama laad la dhacay.

Isla labadan wiil ee soomaalida ah iyo walaalkood kale oo ka weyn ayaa ku eedeysan fal isku day dil kale ah oo mindi loo adeegsaday, kaas oo dhamaadka sanadkii 2017 ka dhacay xaafada Furuset ee magaalada Oslo.

Booliska ayaa sheegay in labada dhacdo uu ka dhaxeeyo xiriir, maadaama 18-jirka Grønland ay ku mindiyeeyeen uu macluumaad ka hayay dhacdadii Furuset ay wiilashan ku geysteen.

Waxeyna boolisku sheegeen inuu dhacdooyinkan ay wiilashasha soomaalida ku eedeysanyihiin ay xiriir la leedahay khilaaf ka dhaxeeyo labo kooxood oo Oslo ka dhisan.

Xigasho/kilde: Brødre i retten tiltalt for to drapsforsøk i Oslo

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments