Norway: Wasiir amray in dib u qiimeyn lagu sameeyo taageerada dhaqaale ee dariiqo diimeed.

0
195
Kjell Ingolf Ropstad: wasiirka qoyska iyo caruurta. Foto: Twitter

Wargeyska Vårtland ayaa bartamaha bishii August qoray in dariiqada «Jehovas vitner», oo kamid ah firqooyinka diinta masiixiyada, ay dadka taabacsan u diidaan inay codkooda dhiibtaan xiliyada doorashada.

Xarumaha cibaadada oo ay maamulaan dariiqadaas ayaa dowlada Norway iyo maamulada hoose ee gobolada ka hela dhaqaale sanadkii kor u dhaafaya 6 milyan oo lacagta Norway ah.

Wasiirka qoyska iyo diimaha dowlada Norway, Kjell Ingolf Ropstad ayaa xiligaas caro ka muujiyay arintaas, isaga oo ka digay in dariiqadaas ay lumin karto taageerada dhaqaale ee dowlada, hadii dadka ay u diidaan inay codeeyaan xiliyada doorashada. Waxaana xiliga uu warkan soo baxay doorashada golayaasha deegaanka Norway ka dhimanaa isbuucyo kali ah.

Wasaarada diimaha iyo qoyska ayaa waraaq ay ku codsaneyso in dib u qiimeyn lagu sameeyo taageerada dhaqaale ee dariiqadaas u diray maamulada gobolada. Waxaana maamulka dariiqadaas laga codsaday inay kasoo jawaabaan waraaqda dowlada, kadibna dib u qiimeyn lagu sameyn doono taageeradooda dhaqaale.

Xigasho/kilde: Ropstad ber Fylkesmannen vurdere statsstøtten til Jehovas vitner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments